Muxuu yahay app-ka aad si iskaa ah isku tarxiili karto ee Mareykanku ugu talo-galay soo galootiga?

Muxuu yahay app-ka aad si iskaa ah isku tarxiili karto ee Mareykanku ugu talo-galay soo galootiga?

Xigashada Sawirka, EPA

Maamulka Trump ayaa dib usoo celinaya app ku shaqeeya moobilka – oo markiisii hore loo sameeyay inuu gacan ka geysto ballamaha dadka magangalyo doonka ah – haatanna wuxuu maamulku u adeegsanayaa in muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn ee Mareykanka ku sugan ay “iskood isku tarxiilaan”.

App-ka, oo loo yaqaanno CBP Home, ayaa u oggolaanaya muhaajiriinta inay soo gudbistaan codsi ah “inay doonayaan inay isaga tagaan dalkaas”, taas oo waaxda ilaalada xadka Mareykanka ay sheegeen inay fursad u siineyso inay iska tagaan iyagoo aan la kulmin “cawaaqib xumo daran”.

Saraakiisha Mareykanka ayaa dhowr jeer ku celiyay in muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn ee dalka ay isaga tagaan si iskood ah, beddelkii la xiri lahaa oo la tarxiili lahaa.

Tan waa tallaabadii ugu dambeysay ee dadaallada Aqalka Cad uu ku doonayo inuu isbeddel ku sameeyo hannaanka socdaalka Mareykanka, oo uu ku daray ballamo ku saabsan xirxirid ballaaran.

Source link

Visited 1 times, 1 visit(s) today

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *